Home puntland Maamulka Puntland oo war kasoo saaray Gabar yar oo lagu dilay Gaalkacyo...

Maamulka Puntland oo war kasoo saaray Gabar yar oo lagu dilay Gaalkacyo oo caro xoogan ka dhalatay.

0

War-saxaafadeed cawaa ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu cambaareeyey falkii arxan darada ah ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo kaasoo lagu dilay Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 12 jir ah.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu tacsi u diray dhammaan shacab-weynaha Soomaaliyeed gaar ahaanna eheladii qaraaabadii iyo qoyskii ay ka baxday Caa’isha.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku amray hay’adaha amniga in ay si deg deg ah uga hawlgalaan baarista dilka gabadhaas.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here