Home wararka Dalka Dhageyso Saynab Cabdullahi oo ah Hooyada dhashay gabadha lagu dilay Gaalkacyo oo...

Dhageyso Saynab Cabdullahi oo ah Hooyada dhashay gabadha lagu dilay Gaalkacyo oo ka hadleysa sida dilka u dhacay.

0

Hooyada dhashay gabadhii lagu dilay magaalada Gaalkacyo markii la kufsaday kadib ayaa xog dheeri ah ka bixisay qaabka ay ku waayeen gabadhooda iyo sida loo dilay.

Hooyada oo lagu magacaabo Seynab C/Wahaab ayaa sheegtay in Gabadheeda Caaisha ay weysay gelinkii dambe ee shalay markii ay u dirsatay inay suuqa hilib kasoo iibiso, balse la arkay meydkeeda markuu waaga baryay.

Seynab C/wahaab ayaa sheegtay in falka uu ka dhacay agagaarka xerada Siinaay oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxayna sheegtay in dhaawac uu ka muuqday qaarka sare ee jirkeeda.

Waxay sheegtay in arintaan ay aheyd fal ay aad kaga naxeen, iyadoo sheegtay in dhaawac daran uu kamuuqday qeybaha hoose ee jirkeeda, iyada oo sheegtay in ugu yaraan rag badan loo malaynayo inay kufsadeen.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here