Home Wararka caalamka Dalalka Faransiiska iyo Germalka oo isku qilaafsan Hubka laga iibinayo Sacuudiga.

Dalalka Faransiiska iyo Germalka oo isku qilaafsan Hubka laga iibinayo Sacuudiga.

0

Dowlada France ayaa Axadii shalay soo saartay cabasho ku socota dowlada Jarmalka (Germany) oo ay sheegtay inay adkeysay nidaamkii hubka looga iibin jiray dalalka ka baxsan EU-da.

Wasiirka Ganacsiga ee France Bruno Le Maire ayaa sheegay in looga baahan yahay Jarmalka inuu khafiifiyo sharuudaha cusub ee uu dul dhigay hubka ay iibin jireen, wuxuuna sheegay in arrintan ay dhaawacday ganacsiga labada dal.

Germany ayaa joojisay hubkii ay ka iibin jirtay Boqortooyada Sacuudiga, arrintan oo saameyn ku yeelatay mashaariic badan oo ay si wadajir ah shirkadaha hubka ee France iyo Germany hubkooda u suuq geyn jireen.

Bishii November ayey dowlada Germany shaacisay in la hakiyey dhamaan mashaariicdii hubka looga iibinayey xukuumada Riyadh, kadib dilkii loo geystay Suxufi Jamal Khashoggi ee ka dhacay dalka Turkiga.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here