Home Wararka Maanta Siyaasi caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho oo Dhawaan Xildhibaan...

Siyaasi caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho oo Dhawaan Xildhibaan u Tartamay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka oo si gaar ah iga dhacay Waaxda Tima Cadde ee degmada Wadajir ayaa waxaa loo geystay Maxamed Xuseen Sebriye oo loo yaqaanay (Guuleyste), kaas oo ka mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Marxuumka ayaa sidoo kale ka mid ahaa musharixiintii u tartamay ka mid noqoshada Golaha Shacabka, gaar ahaan kursiga Hop#33 oo uu kusoo baxay Yuusuf Kabaale.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana meydka marxuumka goor dambe goobta kasoo qaaday qaar ka mid ah ehelladiisa.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse kama hadlin falkan.

AUN dilka loo geystayb Maxamed Xuseen Sebriye (Guuleyste) ayaa ka mid noqonaya falal amni darro ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha caasimada.

Ad
Previous articleXildhibaan Jeesow oo war ka soo saaray kulankii beeshiisa iyo madaxweyne Xasan
Next articleWararkii ugu dambeeyey dagaal dhexmaray Somaliland iyo Puntland iyo khasaaro Xoogan oo ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here