Home Wararka Maanta Madaxweynihii hore ee Somaliya oo si kulul uga hadlay Dhibaatada Ciidanka Somaliland...

Madaxweynihii hore ee Somaliya oo si kulul uga hadlay Dhibaatada Ciidanka Somaliland ee Laascaanood

0

Waxaa sii kordhaya siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida kulul u cambaareenaya rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood gaar ahaan dhibaatada ciidamada maamulka Somaliland ku hayaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si murugo leh uga hadlay shacabka ay dilayaan ciidamada Somaliland, waxa uuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay magaalada Laascaanood.

”Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ciidanka Somaliland ay ku laayeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, anigoo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa’ ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay in dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood aysan maanta xamili karin colaad iyo dhibaato hor leh, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida iyo nabadda deegaanka.

Maamulka madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu eedeeyay in si xaqdarro ah u daadinayaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Laascaanood, waxaana dhibaatada halkaasi ka taagan ka xumaaday madaxweynaha dalka iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Ad
Previous articleDowlada Sweden oo ka jawaabtay Qorshaha Xisbiga SD ee lagu joojinayo Luuqada Hooyo
Next articleXarunta xuquuqul insaanka madaxa-banaan ee Somaliland oo Si adag iga Hadashay Shacabkii lagu laayay Laasacanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here