Home Wararka Maanta Boliiska Kenya oo Beeniyay in Qaraxyo ay ku jiraan Suuq ku yaala...

Boliiska Kenya oo Beeniyay in Qaraxyo ay ku jiraan Suuq ku yaala islii oo Lagu Kala cararay

0

Xaalad kacsanaan ah ayaa galabta ka jirtay xaafadda Islii, kadib markii xarun ganacsi oo lagu magacaabo yare Taawar oo dhawaan la dhisay looga shakisan yahay in lagu xiray qaraxyo.

Sida uu sheegay taliyaha booliska ee xaafadda Starehe Julius Kiragu, qof aan la aqoonsan ayaa qoraal digniin ah gaarsiiyay dadka dhismaha ku ganacsada.

Isagoo u sheegay in ay si degdeg ah uga baxaan dhismaha oo uu sheegay in ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa.

Koox khubaro oo ku takhasustay samaynta bambooyinka ayaa durbadiiba loo diray daarta Yare, kuwaas oo isla markiiba isku gadaamay dhismaha, si ay baaritaan ugu sameeyaan.

khubarada ayaa markii dambe dadka ku wargaliyay in aanay jirin wax qarax ah oo dhismaha ku xiran, Waxaana dib loo soo celiyay isu socodkii gaadiidka iyadoo waddada dib loo furay.

Dadka reer Kenya ayaa xasuusta weeraradii ka dhacay Nairobi ee lala beegsaday xarumaha ganacsiga sida weerarkii Westgate mall, oo dhacay sanadkii 2013 iyo weerarkii Dusit hotel ee 2019.

Ad
Previous articleMadaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Maanta furay Shirka Dowladaha Hoose ee Galmudug
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here