Home Wararka Maanta Muxuu yahay Heshiiska Cusub Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay maantay Kala Saxiixdeen?

Muxuu yahay Heshiiska Cusub Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay maantay Kala Saxiixdeen?

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Nairobi.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka Soomaliya Fardowso Cusmaan Cigaal aya maanta heshiis Caalami oo wadaag ah oo la xiriira Hawada iyo Duulista la gashay dhiggeeda wasiirka Gaadiidka Kenya Mudane Kipchumba Mukomen.

Heshiiskan ayaa u gogal-xaaraya in diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya ee la diiwaangaliyey duulimaadyo ku tagi karaan Kenya, tan oo qeyb ka ah daadaalada ay wado wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaas oo ku aaddan dhammaan diyaaradaha ka diiwaangashan Soomaaliya inay duulimaadyo caalami ah ka sameyn karaan.

Sidoo kale waxa uu heshiiskan xoojinayaa wada shaqaynta duulimaadka labada dal iyo aqoon isweydaarsi.

Munaasabadda heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalkeenna Soomaaliya ee Kenya Ambassador Tarsan iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macali cali Xasan.

Ad
Previous articleCiidamada Amaanka oo Muqdisho ka Qabtay Sarkaal Sare oo katirsanaa Alshabaab
Next articleGaari Qaraxyo ku Rarnaayeen oo Muqdisho lagu Qabtay Xili Darawalkii Wadayna La toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here