Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka federaalka Xili U Dhawaan Dowlada Federalka...

Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka federaalka Xili U Dhawaan Dowlada Federalka Xariirka Ujaray

0

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay guddiga diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka, xilli uu dowladda federaalka soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira arrintaan.

Guddigan oo laba heer ah ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Deni kusoo saaray xeer madaxweyne Lr. 002, isaga oo ka duulaya go’aankii maamulkiisa kasoo baxay 9-kii bishaan.

Guddiga diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka ee madaxweyne Deni uu magacaabay ayaa waxay iskugu jiraan laba heer oo kala ah; guddiga goleyaasha dowladda iyo guddiga khubarada, sida lagu sheegay wareegtadan.

Xubnaha guddigan ayaa isku geyn ka kooban 22 xubnood, waxayna kala yihiin;

  • Guddiga Goleyaasha Dowladda:
  1. Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye
  2. Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen
  3. Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin
  4. Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin
  5. Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
  6. Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin
  7. Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin
  8. Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin
  9. Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin
  10. Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin
  11. Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin
  12. Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin
  13. Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin
  • Guddiga Khubarada:
  1. Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye
  2. Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen
  3. Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin
  4. Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin
  5. Md. Axmed Abshir Faarax Xubin
  6. Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin
  7. Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin
  8. Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin
  9. Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin
Ad
Previous articleKenya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya Iney Safaarad Ka Furaneyso Somaliland
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Caawa Kuwada Sugan Baxdo Xili Galmudug Howlgal Qaaday(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here