Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay in Soomaaliya Laga qaado Cunaqabataynta Hubka...

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay in Soomaaliya Laga qaado Cunaqabataynta Hubka oo In Ka badan 30 sano Saarnaaa

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, kadib 31 sano oo dalkaan ay saareyd cunaqabateyntaas.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka ay dowladda ku bixisay in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

Sidoo kale  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan  cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,” sida uu yiri.

Madaxweynaha ayaa xusay in haatan wixii ka dambeeyay ay Soomaaliya xor u tahay inay soo iibsato inta awood u leedahay hubka ay u baahan tahay, lana macaamileysa caalamka.

“Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato, isaga oo xusay in caalamka ay weydiisan karaan inuu ka taageero hubka ay u baahan yihiin.

“Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ku ad-adkaan doonto xakameynta hubka iyo khulkhulkiisa , isaga oo hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u dajisay shuruuc gaar ah.

Ad
Previous articleGolaha Ammaanka QM oo cunaqabatayntii hubka ka qaaday Somalia iyo Faaidada Soomaaliya Ugu Jirta
Next articleMareykanka oo shuruudo dagaal hordhigay Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here