Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Gaadiid Alshaab Sahad u Waday oo Galmudug lagu Qabtay...

Wararkii Ugu Danbeeyey Gaadiid Alshaab Sahad u Waday oo Galmudug lagu Qabtay iyo Alshabaab lalaayay

0

Ciidanka deegaanka ee ku sugay magaalada Gadoon ee gobolka Galgaduud oo qiyaastii 40 KM bari ka xigta magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta gacanta ku dhigay Shidaal, Saanad ciidan iyo Raashin loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Mudug24 howlgalkaasi wuxuu ka dhacay banaanka magaalada Gadoon, kadib markii ciidamadu ay ogaadeen in gaadiidka Shabaab u sida saanadaas si qarsoodi ah kaga gudbayo deegaanka.

Markii ay Shabaab ogaadeen in la qabtay gaadiidkii sahayda u siday waxay soo qaadeen weerar culus, balse waa la jebiyey sida uu Warbaahinta u sheegay sarkaal u hadlay ciidanka xoreynta deegaanka ee Macawiisley.

Ugu yaraan seddax Shabaab ah ayaa lagu dilay iska hor imaadkii dhacay markii gaariga xamuulka ah la qabtay kadib, waxaana goobta isaga cararay xubnihii kale ee Shabaab-ka ahaa.

Shabaab-ka weerarka soo qaaday ayaa qorsheynayey inay xoog ku furtaan gaariga laga qabtay, balse waxaa ka awood batay ciidankii deegaanka ee gacanta ku dhigay gaariga xamuulka ah ee sahayda u siday kooxda.

Gaariga siday sahaydaan oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa isku dayey inuu baxsado, waxayna saraakiisha ciidanka deegaanka noo xaqiijiyeen inay ku qabteen tuulo lagu magacaabo Docoley oo u dhaxeysa Gadoon iyo deegaanka Xiindheere.

Gaarigii xamuulka ahaa ee sahayda u siday kooxda Al-Shabaab ayaa hadda la geeyey degmada Gadoon ee bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin u ah ciidan badan oo kuwa deegaanka ah iyo ciidamo kale oo ka tirsan Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab ee sahaydaasi ay u socotay, balse laga qabtay ayaa ku go’doonsan koonfurta gobolka Mudug iyo bariga gobolka Galgaduud, waxaana ku socda dagaal culus oo ay ku hayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, deegaano kooban ayay isku uruursadeen Al-Shabaab, waxaana la qorsheynayaa in maalmaha soo socda laga saaro.
Ad
Previous articleSaadaq joon oo u jawaabay Madaxweyne Farmaajo Dhaliishii uu ujeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleQarax ka Dhacay Deegaanka Xananbuure iyo Dad ku Nafwayaay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here