Home Wararka Somaliya Odayaasha Galmudug ee Maanta lagu Xiray Cadaado oo Sawiro laga helay Xiliga...

Odayaasha Galmudug ee Maanta lagu Xiray Cadaado oo Sawiro laga helay Xiliga la Xirayay, (Sawiro)

0

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada nabad sugida Galmudug ku xireen saddex oday dhaqmeed oo heshiis lasoo galay kooxda Al Shabaab.

Odayaashan kasoo jeeda beesha Saleebaan ayaa dhawwaan heshiis kula saxiixday Al Shabaab degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana odayaashan saakay soo gaaray magaalada Cadaado ay kula hadleen warbaahinta.

Shir jaraa’id ay warbaahinta u qabteen odayaashan ayey ku sheegeen in Al Shabaab u aadeen sidii ay uga soo deyn lahaayeen maxaabiis beeshooda ka hayeen iyo sidoo kale gaadiid ay lahaayeen ganacsato beeshooda kasoo jeeda.

Odayaashan ayaa sheegay in aysan jirin cid ay dambi ka galeen, waxa ayna xuseen kaliya in ay u baxeen sidii Al Shabaab uga soo deyn lahaayeen 70-qof oo maxaabiis ah oo gacanta Al Shabaab ku jiray, kuwaa oo hadda la daayay 67-qof oo kamid ahaa.

Ciidamada nabad sugida oo fulinaya ammar kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu xiray odayaashan heshiiska la gaaray Al Shabaab, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo Galmudug kasoo saartay xariga odayaashan.

Wasiir kuxigeenka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaalada ayaa qoraal kooban uu soo saaray ku sheegay in Al Shabaab iyo cidii gacan siisa lagu dhaqayo sharci iyo go’aan dowladeed.

”Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal go’aan dawladeed ayaa ka meel yaalla, kaas ayaana lagu dhaqayaa Insha Allah” ayuu yiri wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa horey usoo saartay waaran lagu xirayo odayaasha aaday deegaanada Al Shabaab maamulaan , waxaana odayaashan oo muddo kaddib kusoo laabtay Cadaado goordhaw xabsiga loo taxaabay.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Odayaashii Reer Xaaji Saleebaan ee Alshabaab Heshiiska Lasoo Galay Oo Xabsi Lagu Guray
Next articleDibad baxyo ka socda Dalka Faransiiska oo sii kordhay, Caasimada Paris oo Rabshadaha ku fideen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here