Home Wararka Maanta Afar madaxweyne goboleed oo dhisaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Xasan...

Afar madaxweyne goboleed oo dhisaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo Xilka Laga Tuuraayo(Xog)

0

Afar madaxweyne goboleed ayaa la filayaa inay yeeshaan iskaashi ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda uu hoggaamiyo.

Iskaashigan ayaa waxaa abaabulkiisa wada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey qeyb uga hayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, halka la filayo inay kusoo biiraan madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland, Axmed Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe

Xiriirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa soo hagaagaya, sida ay sheegayaan xogo kala duwan, taasi oo sahleysa in Axmed Madoobe uu kusoo biiro xulufadan cusub.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo mad-madow soo kala dhex galay doorashadii Xasan Sheekh kadib ayaa hadda isu diyaarinaya in ay dib boorka uga jafaan xiriirkooda, dibna usoo celiyaan saaxiibtinimadoodii xoogganeyd.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu ku soo biiro iskaashi ay samaynayaan Dowlad Goboleedyada qaarkood. Siciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in ay ku midoobaan iskaashiga cusub sida xogaha lagu hayo.

Dhinaca kale Villa Somalia ayaa isu diyaarinaysa in ay xilka ka tuurto Axmed Madoobe islamarkaana ku beddesho siyaasi ka soo jeeda Gobolka Gedo, taasi oo haddii ay dhacdo isbeddel weyn ku sameyn karta siyaasadda dalka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi ay ku kala kaceen fadhi ay ka yeesheen qadiyadda Koonfur Galbeed gaar ahaan doorashooyinka.

Deni ayaa la sheegay inuu Xasan Sheekh xilligaas ka dalbaday inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Lafta-gareen ee mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka wadaan Muqdisho, taasi oo Xasan oo diiday.

Madaxweynaha Puntland oo ka dambeeyey isbaheysiga ka dhanka ah Xasan Sheekh, ayaa shirkii golaha wasiirada Puntland ee toddobaadkii tegay aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad
Previous article“Al-Shabaab lacag aan Karfan ku iibsado ayey ii soo direen” meyre oo Qori Garabka Kuwata ayaa Ka Shekeeyey wixii Dhexmaray Asaga Iyo Alshabaab
Next articleSoomaaliya oo 3 cawaaqib oo aad Xun kala kulantay amarkii Trump

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here