Home Wararka Somaliya Madaxweyne Xassan Shiikh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Xildhibaanad Ilhaan Omar

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Xildhibaanad Ilhaan Omar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa kulankan waxaa ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Qamar Cali Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiir-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmad.

Ilhan Cumar ayaa shalay booqasho ku soo gaartay magaalada Muqdisho, iyadoo horey u soo martay magaalooyinka Nairobi iyo Garoowe, waxaana la filayaa iney maalinta beri ah u ambabaxdo dalka Jabuuti ka hor inta aysan ku laaban dalka Mareykanka

Ilhaan ayaa intii ay halkaa joogtay, waxay la kulantay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne Deni, odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo ay kala hadashay arrimo kala duwan.

Waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016 markii u horraysya, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Shilkii dayuuradeed ee Garoonka Aadan Cabdulle ku Gashay Ethoobiyaan airline
Next articleMaamulka Ethiopian Airlines oo war ka soo saaray shilkii ku qabsaday garoonka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here