Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirada dalalka Masar iyo Norwey...

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirada dalalka Masar iyo Norwey (Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Masar iyo Norwey ay u soo magacaabeen Soomaaliya, Mudane Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas iyo Mudane Gunner Andreas .

Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Dhanka kale, Danjiraha Dowladda Norwey ee Soomaaliya Mudane Gunner Andreas oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda mahad celin ku aaddan soo dhoweynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu kala kulmay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha Cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Dowladaha Masar iyo Norwey, isaga oo Madaxweynuhu la wadaagey Safiirrada guulaha la taaban karo iyo horumarrada ballaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dayn cafiska, la dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Ad
Previous articleCiidamada Amniga oo Burburiyay Gooba Ganacsi oo ku yaala Muqdisho
Next articleMadaxweyne Qorqoor oo Beesha Caalamaka Kala Hadlay Xalada Amni ee Galmudug kataagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here