Home Wararka Somaliya Puntland Ciidamo Cusub oo Macuuradka Deni ah oo Tababar loogu soo Xiray Puntland(Sawiro)

Ciidamo Cusub oo Macuuradka Deni ah oo Tababar loogu soo Xiray Puntland(Sawiro)

0

Ciidamo cusub oo kamid noqonaya ciidamada gadoodsan ee la baxay kumaandooska Danab ee Puntland ayaa tababar loogu soo xiray duleedka magaalada Garawe, waxa ayna ciidamadan soo bandhigeen dhoolotus ay ku muujinayaan cududooda.

Kornayl Jimcaale Jaamac Takar oo sheegta taliyaha ciidanka madaxa bannaan ee kumaandooska Danab, ayaa ciidankan cusub usoo xiray tababarka , ciidankan oo maleeshiyaad ahaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaadanayay tababar ciidanimo .

Waxa uu sheegay Takar in ciidan cusub iyo kuwii horey u heestay ay kasoo horjeedaan in la furo dastuurka maamulka Puntland, sidoo kale madaxweyne Siciid Deni uu maamulo doorashada maamulka Puntland isaga oo musharax ah .

Sargaalkan ayaa ku celiyay in mar kale ka dagaalamayaan haddii la furo dastuurka maamulka Puntland, waxa uuna sheegay in aysan marnaba aqbali doonin waxii ay horey u diideen ayna mar kale qaadayaan tallaabooyin haddii la isku dayo furida dastuurka.

Dhoolotuskan iyo hanjabaada kasoo yeertay ciidanka taabacsan mucaaradka Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli beri lagu wado in baarlamaanka Puntland dood ka yeesho qodobada wax laga bedelay ee dastuurka Puntland.

Ad
Previous articleDowalda Soomaaliya oo Dalka Ka cayrisay Mid kamid ah Agasimayaasha Turkida ah ee ka howlgalaayay Muqdisho
Next articleNin Muslim ah oo Qaxooti ah oo Dib Uceliyay lacag Dhan $716,000 oo kusoo Qaldantay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here