Home Wararka Somaliya Galmudug Saraakiil Ka Tirsan Milateriga Somaliya oo Kormeeray Ciidamo Tababar Ku qaadanaya Galmudug...

Saraakiil Ka Tirsan Milateriga Somaliya oo Kormeeray Ciidamo Tababar Ku qaadanaya Galmudug {Sawiro}

0
Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooggga Gen: Maxamed Cadoow Cali “Sanka” oo ay Wehliyaan Saraakiil Ciidan oo uu ka mid yahay G/le Sare Cabdulahi maxamed muuse (kayse) Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 21-aad, ayaa kormeer ku gaarey Dugsiga Aruuris ee Deegaanka Xananbuurrehalkaa oo ay kujiraan Ciidamo in mudo ahba uu u socdey tababar Sare oo lagu barayay Xirfadaha Ciidanka.
Gen: Maxamed Cadoow Cali “Sanka” Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooggga oo Ciidamadan la hadley ayaa ku bogaadiyay sida ay u xusheen in ay u adeegaan qarankooda isla markaana diyaarka ugu yihiin ka gudbida tababarka u socda oo ah mid Sare.
Ciidamadaan oo Tababar ku qaadanaya Xerada ciidamada  Aruuris ee Waqooyiga Gobalka Galgaduud ayaa Saraakiishii La kulantay waxay kula dardaarmeen in ay Qarankooda u adeegaan.
Ad
Previous articleMaxay ka wadahadleen Madaxweyne Qoor qoor iyo Dani ?.
Next articleSafaarada Mareykanka oo ku Boorisay Madaxweyne Farmaajo iyo Maamul gobaleedyada in La qabto Shir Loo dhanyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here