Home Wararka Maanta Ciidamada NISA oo Howlgal Culus ka sameeyay Muqdisho (Sawiro)

Ciidamada NISA oo Howlgal Culus ka sameeyay Muqdisho (Sawiro)

0

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay meelo kala durugsan oo Caasimadda ah, kuwaas oo lahaa bartilmaameedyo cayiman oo indhaha lagu hayay.

Feejignaantu way saraysay, waxayna aad uga taxadarayeen Saraakiisha iyo Ciidamada la socda in wax fashil ah uusan ku iman howlgalka oo goobaha bartilmaameedku yahay ay mudaba dabagal ku hayay Ciidamada aan muuqan ee Sirdoonka.

Ciidamo hubeysay oo ka tirsan Ha’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa fuliyay qorshaha hawlgalka ka dib markii ay heleen xuuraan sugan oo sheegaya in ay jirto halis amni oo ku wajahan shacabka, taasoo u baahan in laga hortago.

Howlgalka hore wuxuu ka dhacay Degmada Hiliwaa, wuxuuna ahaa mid amniga lagu xaqiijinaayay oo ay hareer socotay baaris dadka iyo gaadiid lagu samaynayay.

Waxaa xigay howlgal kale oo caawa laga sameeyay Degmada Kaxda, waxaana lagu soo qabtay walxo la doonayay in lagu khalkhal galiyo ammaanka Caasimadda iyo shacabka ku dhaqan.

Howlgaladan oo qaatay saacado ayaa ku soo dhammaaday sidii loo qorsheeyay, iyadoo aysan dhicin qasaare.

Ad
Previous articleDeg Deg: Dowlada Soomaaliya oo Heshiis Cusub la Saxiixatay Dowlada eriteeriya
Next articleFarmaajo oo la shaaciyay in Kulan Qarsoodi ah Horay ula qaatay R/W yahuuda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here