Home galmudug Madaxweyne Xaaf oo Maanta La Kulmay Guddiga nabada Galkacyo iyo Odayaasha ...

Madaxweyne Xaaf oo Maanta La Kulmay Guddiga nabada Galkacyo iyo Odayaasha Galmudug iyo Puntland (Sawiro)

0
SHARE

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug iyo Gudiga nabadeenta Magaalada Galkacyo

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaasha Degmada Galkacyo ee labada dhinac iyo Saraakiisha Ciidamada Amniga ee isku-dhafka labada dhinac

Waxaa kulanka intiisa badan looga hadlay Nabada Gobolka gaar ahaan Magaalada Galkacyo oo aad loogu guuleystay Amnigeeda

Madaxweynaha Galmudug ayaa marka hore bogaadiyay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug sida wanaagsan oo wadajirka ah oo ay uga wada shaqeeyeen nabada oo uu sheegay in nabad la’aan aysan nolol jireen waxa uu ugu baaqay in sii laba jibaaraan wadashaqeynta labada dhinac

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray Nabadoon Cabdiqani Maxamed Baalle oo labo cisho ka hor lagu dilay Magaalada Galkacyo waxa uuna Ciidamada Xalisinta ee Magaalada Galkacyo kula dardaarmay in ay Gacanta ku dhigaan cid walba oo falka nuucaas oo kale ah gaysata.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here