Home Wararka Maanta Shir muhiim u ah ku biiridda Soomaaliya ee ururka EAC oo maanta...

Shir muhiim u ah ku biiridda Soomaaliya ee ururka EAC oo maanta ka furmaya Muqdisho

0

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya..

Wafuuda shirkaas uga qeyb-galeysa toddobada waddan ee ururka EAC ayaa shalay soo gaaray caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shirka lagu casuumay 50 qofood oo ka kala socda 7-da wadan ee ururka.

Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ajendaha shirka uu yahay sidii looga shaqeyn lahaa, loona eegi lahaa in ay Soomaali gaartay ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC.

Wafuuda ka socota 7-da waddan ee ururka EAC ee yimid Muqdisho ayaa joogi doonaan ku dhawaad 10 Berri, iyaga oo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dalka, sida uu sheegay ergeyga Soomaaliya ee EAC, Cabdisalaan Hadliye.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada ee Ku Sugan Furimaha Dagaalka oo Bilaabay Dhaqan Alshabaab soo noolaynaaya
Next articleSababta keenta in Alshabaab ay Aroortii Weeraaraan Ciidamada Dowlada oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here