Home Wararka Caalamka Howgal amniga Lagu xaqijinayay oo uu Hogaaminayay Godoomiyaha Koonfurta Magaalada Galkacyo oo...

Howgal amniga Lagu xaqijinayay oo uu Hogaaminayay Godoomiyaha Koonfurta Magaalada Galkacyo oo Xalay laga Sameeyey mahaladaas(Sawiro)

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xassan oo ay weheliyaan Taliye ku Xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada iyo Taliyaha Hay’adda NISA Ee Degmada Galkacyo ayaa ka qeyb galay Hawlgal Amniga Magaalada Gaalkacyo lagu Xasilinayo oo ay si Wadajir ah u Fuliyeen Ciidamada Nabad Sugida Iyo Booliska.

Hawlgalkaan oo laga sameeyay Xaafadaha Iyo Wadooyinka Muhiimka ee Gaalkacyo ayaa lagu ciribtirayay kooxaha caadaystay in ay qalqal geliyaan Amniga Magaalada sida kooxaha Maandooriyaha ka ganacsada iyo kuwa isticmaala oo khatar ku ah Amniga Degmada, waxaana lagu qabtay tiro dad ah oo ay kala saari doonaan hay,adaha Amnigu.

Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Maayarka Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in aan cidna loogu dulqaadan doonin inay qashqashaado Amniga iyo Xasiloonida Gaalkacyo isagoo sheegay in Hawlgalkaan uu si joogto ah u socon doono.

 

Ad
Previous articleDeg Deg Dagaal Goordhow Ka Qarxay Magaalada Boosaaso
Next articleDagaalka Kasocda Magaada Boosaaso oo Sii xogaysatay iyo Qax ka Bilowday Magaladaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here