Home wararka Dalka Alshabaab oo Baraha Bulshada ku Baahiyay Sawirada Dad ay dileen Alshabaab (Sawiro)

Alshabaab oo Baraha Bulshada ku Baahiyay Sawirada Dad ay dileen Alshabaab (Sawiro)

0

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay Muuqaalka Saraakiil iyo Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo Amniyaadka Alshabaab ay muqdisho dilal qorsheysan ugu geesteen.

Muuqaalka oo la daawan karo 11 Daqiiqo ayaa waxaa lagu soo bandhigay Dilal qorsheysan iyo Qaraxyo Ciidamada Amisom lagula beegsaday qeybo kamid ah gobollada dalka.

Dadka muuqaalka lagu soo bandhigay ee shabaabka ay dileen waxaa kamid ah maxamad cabdi cilmi oo ahaa sargaal CID ka tirsanaa, Daahir Iidow oo Dowladda hoose ee Xamar ka tisanaay, Cali maxamad Cabdi oo horay u ahaa xildhibaan dowladdii xasan shiikh ka tirsanaa, Nuur Kheyre oo kamid ahaa ergadii soo xushay xildhibaanada Baarlamaanka iyo cabdi Cusmaan oo ka tirsanaa waaxdka Canshuuraha ee Gobolka Banaadir, dhamaantoodba waxaa la soo bandhigay iyagoo bastoolad madaxa looga tooganaayo.

Waa muuqaalkii labaad oo Shabaab ay baahiyaan kaasi oo lagu soo bandhigay madax, saraakiil iyo askar dowladda ka tisan oo toogasho gaadmo ah lagu dilay, Maamulka Farmaajo ayaa ku fashilmay Amniga caasimadda waxaana xusid mudan in shabaabka ay markii ugu horeysay ay bilaaben in ay soo bandhigaan dadka ay toogashada ku dilaan taasi oo dhabar jab iyo fashil xooggan ku ah hey’addaha ammaanka iyo mukhaabaraadka maamulka Farmaajo oo u babac dhigi waayay kooxaha dilalka qorsheysan dharaar cad ka fuliya caasimadda muqdisho hadana muuqaallo ka duubta.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here