Home Wararka Somaliya Galmudug Guddi ka socda KGS oo gaaray Magaalada Galkacyo ee Gobalka Mudug

Guddi ka socda KGS oo gaaray Magaalada Galkacyo ee Gobalka Mudug

0

Madaxweynaha Koonfur galbeed, ayaa wafdi wasiirro ah usoo diray magaalada Gaalkacyo, oo ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo Somaliland ay si khasab ah ugasoo saartay magaalada Laascaanood.

Wafdigaan oo ahaa guddi horey loogu xilsaaray dadka Laascaanood lagasoo tarxiilay, ayaa Gaalkacyo u tagay si ay u qiimeeyaan xaaladda qoysaskaas iyo sidii Koonfur galbeed ugu fidin lahayd gurmad

Masuuliyiin katirsan Puntland iyo odayaasha Koonfur Galbeed ee gobalka Mudug ayaa wefdiga kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Wafdigaan ayaa isla maanta lagu wadaa inay kormeer ku tagaan goobaha dib u dajin loogu sameeyay qoysaska lasoo barakaciyay, si ay uga dhegaystaan warbixinno ku saabsan xaalkooda.

Wafdiga Gaalkacyo soo gaaray waxay ka kooban yihiin, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Gaadiidka, Wasiirka Gargaarka iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Haweenka.

Ad
Previous articleDowlada Kenya oo sheegtay in aysan Aqoonsan doonin Go’anka Maxkamada ICJ
Next articleMadaxweynaha Jubbaland oo Maanta la kulmay Saraakiil Mareykan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here