Home wararka Dalka Raisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray London.

Raisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray London.

0

Wafdi uu horkacayo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka xukuumada Somalia Mudane Mahdi Max’ed Guuleed ayaa Xalay ka degay magaalada London ee dalka Britain.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada oo horey ugu sugnaa London ayaa ku soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha Heathrow, waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ee halkaas ku dhaqan.

Raisul Wasaare ku-xigeenka oo ay wafdigiisa ka mid yihiin xubno ka tirsan goleyaasha dowlada ayaan casuumad gaar ah ka helay dowlada Britain, qeybna kama ahayn wufuudii ka qeyb gashay shirkii shidaalka Somalia ee isla xalay lagu soo gebegebeeyey London.

Wafdigan ayaa inta ay joogaan London waxay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlada Britain oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidoo kale wafdiga ayaa ka qeyb geli doona kulan soo dhoweyn ah oo ay qaban doonaan jaaliyada Soomaalida ee Britain.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here