Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo Guddoomiyey shir Xasaasi ah oo...

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo Guddoomiyey shir Xasaasi ah oo ka dhacay Villa Somalia(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa shalay galab shir guddoomiyay kulan looga hadlayay barnaamijka Xukuumadda ee Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka dhaqaalaha, ayaa warbixin faahfaahsan looga dhageystay guddiga oo ka warramay qorshaha dhinaca horumarka ee dowladdu ka sameyneyso dejinta koboc dhaqaale oo lagu baraaro.

Dowladda Soomaaliya oo barnaamijkeeda deyn cafinta uu meel wanaagsan oo gabogabo ah marayo, ayaa guddigeeda dhaqaalaha lagu wadaa in toddobaadkan dhammaadkiisa ay kulan muhiim ah la yeeshaan madax sare oo ka tirsan Baanka Adduunka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan dib u habeyn ku sameeyey Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka. isagoo kala diray xubnihii hore ee Golaha, kuwa cusub oo dhalinyaro u badana ku bedelay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo taliye cusub u magacaabay ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Somalia
Next articleXasan oo qaabilay safiirka cusub ee Imaraadka oo farriin soo gaarsiiyey(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here