Home galmudug Shirka Golaha Horumarinta Qaranka Ee xalay Muqdisho, iyo Maamul Gobaleedyada oo Ka...

Shirka Golaha Horumarinta Qaranka Ee xalay Muqdisho, iyo Maamul Gobaleedyada oo Ka Qeyb Galay (Sawiro)

0

Golaha Horumarinta Qaranka (GHQ) ayaa shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay diiradda ku saareen howlaha mugga leh ee ku sidkan mudnaanta qaranka.

Shirka waxaa isugu yimid,wasiirrada qorsheynta maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug Jubaland iyo metelayaal ka socday wasaaradda qorsheynta Koofur-galbeed, shirka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federalka Jamaal Maxamed Xasan. Arrimaha lagu qaadaa dhigay kulanka ayaa waxaa ugu muhiimsanaa, geedi-socodaka Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad, marxaladaha iyo muhiimadda wadatashiga la doonayo in loo aado maamul goboleedyada dalka.

Doodda togan oo toolmoon oo ay soo jeediyeen Golaha Horumarinta Qaranka ayaa gebi ahaanba waxa ay ahaayeen, kuwa uu nuxurkoodu ahaa qaabeynta iyo tala bixin la xariirtay hannaanka isku dubaridka Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Goluhu waxa uu isku raacay, islamarkaana lafa guray goobaha iyo goorta la aadayo gobollada dalka si loo sameeyo wadatashiyada qorista Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay in aan la siyaasadeyn mashaariicda horumarineed ee ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaranka si hortebinta qaranka looga wada shaqeeyo.

Masuuliyiinta Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada  ayaa Kala ahaa
1 Jamaal Maxamed Xassan (Federal)
2 Adam Ibrahim Awhirsi (Jubaland)
3 Cabdirahmaan Cabdullahi Macalin Guleed (Hirshabelle)
4 Cabdikafi Maxamuud (Galmudug)
5 Yusuf Xassan Isak (Koonfur Galbeed)

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here