Home Wararka caalamka Dhageyso Antonio Guterres oo shaaciyay in Wakiil Cusub usoo Magacaabayaan Soomaaliya

Dhageyso Antonio Guterres oo shaaciyay in Wakiil Cusub usoo Magacaabayaan Soomaaliya

0
SHARE

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo waraysi siiyey Idaacadda codka Maraykanka ee VOA ayaa sheegay in wada tashiyo badan kaddib ay dhowaan magcaabi doonaan wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaaliya.

‘’Maalmo kooban ayeey joogeen Muqdisho wafdiga ka socday Qaramada Midoobey, waxaa dhacay wada hadallo dhax-gal ah oo arrimo badan leyskula eegay, dhowaan ayaan magacaabi doonnaa wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya’’ ayuu yiri Antonio Guterres.

Wuxuu sheegay in wakiilka cusub uu bog cusub u furi doono xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, isaga oo intaa ku daray in waxa kaliya oo ay doonayaan tahay Soomaaliya oo ka taqalustay dhibaatooyinka iyo xaaladaha adag oo ay la tacaaleyso.

Hadalka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa imanaya xili dhowaan magaalada Muqdisho ay socdaal ku gaareen wafdi heer sare ah oo ka socda xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here