Home Wararka caalamka Weeraro Xoogan oo Laga digay in mar kale ay Ka Dhacaan Gudaha...

Weeraro Xoogan oo Laga digay in mar kale ay Ka Dhacaan Gudaha Wadanka kenya

0

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaacisay xog ay heleen sirdoonkooda, taasi oo ah in la maleegayo weeraro argagaixiso ay ka dhacaan Guud ahaan dalkaasi Kenya Gaar ahaan Magaalada Nairobi.

Safaarada ayaa muwaadininta u dhashay Mareykanka iyo ajaanibta reer galbeedka ah ugu digtay weerarada ay ku tilmaameen argagaixisada, waxa ayna digniintoodaasi ku sheegeen in weeraradaasi laga yaabo in lagu qaado goobaha dadweynaha isugu yimaadaan si khasaaraha uu u siyaado.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay suurtagal tahay in weerarada argagaixiso lala beegsado Hoteelada, Maqaaxiyada, Suuqyadawaaweyn iyo xarumaha dowladda.

Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa lagu dhaliilaa in aysan dhag jalaq u siin digniinahaan oo kale oo ay reer Galbeedka kasoo saaraan khataraha amni ee suurtagalka ah ee dalkaasi Kenya.

Shabaab ayaa isla sanadkaani weeraro is xig xiga ka geystay Dalka Kenya, waxa ayna u muuqataa in weerarada ay Shabaab ka geystaan dalkaasi ay sii kordhayaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here