Home galmudug Madaxweynaha Galmudug oo xalay Kulan la qaatay Dhalinyarada Gobolka Mudug (Daawo Sawiro).

Madaxweynaha Galmudug oo xalay Kulan la qaatay Dhalinyarada Gobolka Mudug (Daawo Sawiro).

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa caawa kulan la qaatay dhalinyarada Gobolka Mudug
Madaxweynaha ayaa dhalinyarada kala hadlay doorka ay ku leeyihiin Maamulka Madaama ay dhalinyadu laf dhabar u yihiin Bulshada Dal kastana Hormuudkoodu yahay dhalinyaro

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhalinyarada u balan qaaday in shaqo abuur loo sameyn doono iyagana looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan Maamulka Degmada Galkacyo Canshuurahana la dhiibo si isku filnaansho loo gaaro

Waxa uu Madaxweynuhu u balan qaaday in dhawaan Magaalada Hobyo laga dhisi doono School lagu tababaro ciidamada Badda ee Galmudug dhalinyadana looga baahanyahay in ay ka faa’iideystaan

Waxa uu kula dardaarmay in ay ka hortagaan xaalufinta dhirta oo uu sheegay in 5% hada aaney dhir laheen Magaalada Galkacyo dhalinyada ayuu u sheegay in ay olole bilaabaan oo ay u kacaan ka hortaga in la jaro dhirta

Mudug24 Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here