Home wararka Dalka Xog Muhiim ah Galmudug iyo Dowlada Somaliya oo lagu Heshiisiinayo Shirka Garoowe.

Xog Muhiim ah Galmudug iyo Dowlada Somaliya oo lagu Heshiisiinayo Shirka Garoowe.

0
SHARE

Sida lagu wado bisha Danbe Dowlada Somaliya iyo Madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku kulansan Magaalada Garoowe halkaasi oo Gogol uu dhigay Madaxweynaha Puntland hase yeeshee warar mudug24 heleyso ayaa sheegaya in Shirkaasi lagu wado in Dowlada Somaliya iyo Galmudug lagu heshiisiinyo.

Warar madax banaan oo mudug24 ka heshay ilo leesku haleen karo ayaa sheegaya in Qorshaha Shirkaasi uu qeyb ka yahay Shir u dhaxeeya Dowlada Somaliya iyo Galmudug kaasi oo lagu dhameenayo Khilaafka xiligan ka taagan taasi oo madaxda labada dhinac ay aqbaleen.

Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo ku sugan ayaa dhawaan sheegaya in Mugdiga u dhaxeeya Galmudug iyo Dowlada Somaliya uu meesha ka baxay taasi oo muujineysa in isku soo dhawaansho uu ka jiro labada dhinac marka loo eego xiligii hore.

Bishan March 15 keeda ayaa lagu balansanyahay Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland iyadoo kulanka uu yahay in lagu dhameenayo khilaafka u dhaxeeya Dowlada Somaliya iyo Maamul Goboleedyada hada jira oo mudo xurguf u dhaxeysay.

Mudug24 Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here