Home Wararka Somaliya Jubbaland Al Shabaab oo War kasoo saartay Weerarkii lagu qaaday xerada Ciidanka ee...

Al Shabaab oo War kasoo saartay Weerarkii lagu qaaday xerada Ciidanka ee ADC

0

Qaraxyo xooggan oo ismiidaamin ah ayaa barqanimadii maanta lagu weeraray xero ciidan oo kutaalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana xerada la weeraray ku sugnaa ciidamo isugu jira ATMIS iyo Soomaali.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegteen masuuliyada labo qarax oo xooggan oo lagu weeraray xerada ciidamada ADC , waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxyadan la beegsadeen ciidamo Itoobiyaan oo ku sugnaa xerada ADC.

Al Shabaab warka kasoo baxay ayey ku sheegeen in qaraxa koobaad oo ismiidaamin ahaa ku beegsadeen xerada ADC gaar ahaan goob ay joogeen saraakiil Itoobiyaan ah, waxa ay sidoo kale sheegeen in qaraxa labaad la beegsadeen ciidamo  soo gurmaday.

Waxa ay sheegeen Al Shabaab in weerarkan qaraxyada ah khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, waxa ay sidoo kale sheegeen in weerarka lagu bur buriyay gaadiid dagaalka.

Qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Baardhewere ayaa ahaa kuwa aad u xooggan oo si weyn looga maqlay Baardheere, waxaana qaraxyadan imaanayaan xilli maalmo kahor sidaan oo kale qaraxyo loogu weeraray saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Doolow.

Ad
Previous articleATMIS oo Maantay billowday dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya
Next articleWararkii Uga Danbeeyey Qarax Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here