Home Wararka Maanta Galmudug iyo Puntland oo Heshiis ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo

Galmudug iyo Puntland oo Heshiis ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo

0

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug Maxamed Xasan Waloore ayaa ka qeyb galay kulan ay maamulada Galmudug iyo Puntland heshiis horudhac ah uga gaareen dilal horey uga dhacay Gaalkacyo.

Kulanka dib u heshiisiinta waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiiro Ka tirsan Galmudug iyo Puntland , Maamulada Gobalka iyo Degmada ee labada dhinac iyo odayaasha dhaqanka, Masuuliyiinta iyo Waxgaradka reer puntland ay kulanka ku bixiyeen lacago isugu jira duug iyo rafiso oo la siiyay dadkii dhibku gaaray.

Dhowr jeer ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa ka dhacay dilal la xiriray aanooyin qbaiil, kuwaas oo intooda badan ay xal ka gaareen labada Maamul ee Galmudug & Puntland.

Ad
Previous articleBadda loo xukmiyay Soomaaliya oo ay Kenya wali ka faa’iideysanaysa
Next articleDacwad oogaha guud ee kenya oo Dacwad layaab leh lagu Soo oogay oo la xariirta Soomaali jacayl

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here