Home wararka Dalka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle oo Mudo Labo Cisho ah Joogaya Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle oo Mudo Labo Cisho ah Joogaya Gaalkacyo.

0
SHARE

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug mudo dhoor cisho ah oo uu joogay magaalada Garoowe Waxana madaxweynaha uu dagay Xaruunta Madaxtooyada Galmudug ee Gaalkacyo taasi oo banaanka ka ah magaalada.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya mudada uu madaxweynaha joogayo Gaalkacyo warar mudug24 heleyso ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu magaalada Joogayo mudo labo maalin ah isagoo labadaasi maalin kulamo la sameenaya bulshada magaalada Gaalkacyo qeebaheeda kala duwan.

Xaaf ayaa kulamada kadib la filayaa in uu u ambabaxo dhanka magaalada Dhuusomareeb iyadoo lasoo dhameeyay khilaafka kala dhaxeeyay dowlada qeybo kamid ah sida uu madaxweynaha sheegay kadib warbaahinta oo uu kula hadlay Garoonka diyaaradaha Oshaco ee Gaalkacyo dhanka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhoor mar waxa uu si xeeladeesan iskaga difaacay dagaal siyasaden oo dowlada ku soo qaaday waxana kamid aha kii ugu danbeeyay oo madaxweyne lagu dhisay taasi oo socon wayday.

Mudug24 Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here