Home Wararka Maanta Sheekh Aadan (Madoobe) oo hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore...

Sheekh Aadan (Madoobe) oo hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.(Sawiro)

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Mudane Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur  ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankan casho sharafta ah, isagoo xusay baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo danta dalka iyo dad Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleShir Lagu Heshiisiinaayo Laba Beelood oo Dhawaan Ku Dagaalamay Galmudug oo Dhuusamareeb ka Furmay
Next articleGaari Alshabaab ku Soo Rareen Qalab aan Xabadu karin oo Muqdisho lagu Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here