Home Wararka Maanta Mr Sheelare, Axmed Mire Iyo Rag kale oo Dhashiike ky laayay Dad...

Mr Sheelare, Axmed Mire Iyo Rag kale oo Dhashiike ky laayay Dad Shacab ah oo lagu Xukumay Dil Toogasha ah

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi ciidan  ku riday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee Muqdisho 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkaan.

Weerarkan ayaa ciidamo ku sugnaa koontaroolka isgooska Siinay waxa ay ku qaadeen gaari uu la socday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud fargax, waxaana weerarkaasi lagu dilay askar ilaalo aheyd iyo dad shacab ah.

Askari Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro ayaa lagu helay in qaray dhashiike ah  ku dilay lix qof oo shacab ahaa oo u badnaa darawalo mooto bajaaj, waxaa sidoo kale dadkaasi ku jiray hooyo uur laheyd.

Saddex askari oo lagu kala magacaabo Axmed Mire Cismaan , Maxamuud Cabdi Maxamed iyo Cabdullaahi Cismaan Isaaq ayaa iyana lagu riday xukun dil ah, waxaana askartan lagu helay in ay dileen labo askari oo katirsanaa ilaalada guddoomiyaha Yaqshiid.

Maxkamadda ciidamada ayaa min shan sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Ayaanle Maxamed Diiriye  iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid kamid ah uu riday xabadii ugu horreysay, halka kan kalana uu isku dayay marin habaabinta garsoorka.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa min saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, handadaad, ammar diido ciidan iyo in ay u dhaqmeen sida maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale sii deysay Axmed Cali Axmed Maxamuud ( Macalinka) oo garsoorka maxkamadda sheegeen in lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

 

Ad
Previous articleMasuulin Sare sare oo ka Tirdan Dowlada oo Xabsiga Lagu guray
Next articleMusharrixii saddexaad ee Turkiga oo si rasmi ah u taageeray Erdogan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here