Home Wararka Maanta Niger oo amar ku bixisay in ciidmada Dalkaas ay qasab kaga saaraan...

Niger oo amar ku bixisay in ciidmada Dalkaas ay qasab kaga saaraan dalka safiirka Faransiiska Xili Faransiisku Diiday inuu labaxo Safiirkiisa

0

Xukuumadda talada haysa ee Niger ayaa amar ku bixisay in Booliska dalkaasi ay qasab kaga saaraan dalkaas safiirka Faransiiska.

Hogaamiyeyaasha afgambiga sameeyay ayaa raacaya istaraatiijiyada ciidamada militariga ee ka jira dalka ay jaarka yihiin ee Mali iyo Burkina Faso si ay isaga fogeeyaan gumeystihii hore ee gobolka iyadoo ay ka muuqato naceyb ka dhan ah Faransiiska.

Dal-ku-galka safiirka Faransiiska Sylvain Itte iyo qoyskiisa ayaa la kansalay, waxaana booliiska la farayaa in ay eryaan ergayga, sida lagu sheegay bayaan ku taariikhaysan 29-ka Agoosto.

Kooxaha afgembiga sameeyay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ku amray danjire Itte inuu dalka kaga baxo muddo 48 saacadood gudahood ah, taasoo jawaab u ah waxa ay ugu yeereen ficillada Faransiiska ka dhanka ah danaha Niger.

Waxay sheegtay in arrimahaas ay ka mid tahay diidmada ergeyga ee ah inuu ka jawaabo martiqaad uu u fidiyay si uu ula kulmo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Niger.

Afgambigaas waxaa cambaareeyay maamullada Afrikaanka ah ee gobolka iyo waddamada reer galbeedka. Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa cunaqabatayn ku soo rogay dalka Niger taasi oo caqabad ku noqotay gaarsiinta cuntada iyo gargaarka mid kamid ah wadamada ugu saboolsan aduunka.

Ururka ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu faragelin militari ku sameyn doono haddii dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu soo celinayo dimoqraadiyadda ay guuldareystaan iyadoo loo marayo wadahadal.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Markii ugu Horaysay Ka Hadashay Sababta Ceelbuur uga Soo Baxeen
Next articleMaxay qoyska Shaah-macabe ka yiraahdeen warka sheegaya inuu geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here