Home Wararka Maanta Al-Burhaan oo diiday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Suudaan iyada...

Al-Burhaan oo diiday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Suudaan iyada oo aan oggolaansho laga heysan xukuumadda

0

Madaxa golaha madaxbanaanida ee Sudan ayaa diiday in la geeyo wadankaasi wax ciidan ah oo ka socda wadamada Africa, iyadoo halkaa ay mudo sadex bilood ah ka socdeen dagaallo ba’an oo u dhexeeya ciidamada iyo xoogag ka soo horjeeda oo loollanka adag ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen awooda dalkaasi.

Sida laga soo xigtay warbixinnada rasmiga ah ee warbaahinta, General Abdel Fattah Al-Burhan ma uusan aqbalin tallaabada lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika (ISAF) taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Suudaan ee dhulkeeda.

In ciidankaas la diro toddobaad ka hor ayaa lagusoo soo jeediyay shir ay yeesheen urur goboleedka “IGAD” si ay u difaacaan dadka rayidka ah ee ay dagaalladu saameeyeen.

Wakaalladda Wararka Sudan ee (SUNA) ayaa sheegtay in Taliyaha Ciiddanka Sudan, C/fataax Al-Burhaan, uu wicitaan ka helay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, balse ma uusan soo dhaweyn qorshaha IGAD, wuxuuna ku war-geliyay inuu kasoo horjeedo arrintaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan dhici Karin in ciidamo loo diro iyada oo aan ogolaansho laga haysan xukuumadda Khartoum.

Ad
Previous articleNinka Muslimka ah ee loo fasaxay in uu gubo kitaabada Towraadka iyo Baybalka balse sameeyay arrinta layaabka leh
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo uguuraaya Galmudug iyo sababta oo la ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here