Home wararka Dalka Daawo Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ka hadlay Sababta Loogu diiday Khudbadiisa...

Daawo Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ka hadlay Sababta Loogu diiday Khudbadiisa Cida ka danbeesay iyo Sida uu ku tanaasulay.

0
SHARE

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horeysay ka hadlay habkii ay u dhacday xafladii caleemo saarka Madaxweynaha Puntland iyo qaabka isaga looga reebay khudbadii uu halkaas ka jeedin lahaa.

Wareysi uu siiyey qaar ka mid ah warbaahinta Puntland ayuu ku sheegay in khudbadiisa arrinta ku saabsan ay taagneyd labo maalmood, ilaa markii dambe ay madaxtooyada soo faragelisay oo la isku xiray khudbadiisa iyo ka soo qeybgalka madaxda dalka taasoo uu sheegay iney aheyd wax lala yaabo.

Waxaa uu sheegay in xaflada caleemo saarka ay uga soo qeyb galeen oo kaliya iney u hambalyeeyaan madaxweynaha cusub ee Puntland aysana isaga qorshaha ugu jirin inuu dowlada ka dhaleeceeyo halkaas, balse waxaa uu sheegay in taas bedelkeed ay madaxda Villa Somalia siyaasadeeyeen khudbadii uu ka jeedin lahaa.

Halkan Hoose ka Dhageyso Wareysi Dheer uu bixiyay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here