Home wararka Dalka Faafaahin Nin Ajanabi ah oo lagu dhex weeraray Xabsiga Magaalada Muqdisho.

Faafaahin Nin Ajanabi ah oo lagu dhex weeraray Xabsiga Magaalada Muqdisho.

0
SHARE

Rag maxaabiis ah ayaa la sheegay iney xabsiga weyn ee Muqdisho ku dhaawaceen Anthony Thomas Cox oo ahaa ninkii ajnabiga ahaa ee dhowaan laga soo qabtay Garoonka Dayuuradaha Muqdisho, kadib markii lagu qabtay inuu watay sunta loo adeegsado qiiqa dadka ka ilmeysiiya.

Maxbuuskan ajnabiga ah oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in xabsiga lagu sii hayo ayaa la sheegay inay xabsiga dhexdiisa ku weerareen maxaabiis u xiran argagaxisenimo oo Sakiin watay.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Xabsiga Dhexe Eedeysane Anthony Thomas ayaa waxaa Dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qoorta, iyadoo dhaawacyada lagu sheegay kuwo fudud, waxaana halkaasi ku dabiibaya dhaqaatiirta xabsiga dhexe.

Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo qaabilsan ilaalinta amaanka xabsiyada dalka Ayaan illaa hadda war ka soo saarin dhacdadan lagu dhaawacay ninka britishka ah ee xabsiga ku xirnaa.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here