Home Wararka Somaliya Jubbaland Deni oo si adag uga hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee...

Deni oo si adag uga hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda magaalada Laascaanood

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda magaalada Laascaanood, kaa oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

Siciid Deni ayaa sheegay in ciidamada maamulka Puntland aysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda Laascaanood, waxa uuna sheegay ciidamada la dagaalamaya Somaliland in ay yihiin kuwa dadka deegaanka oo difaacanaya sharaftooda iyo dhiigooda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kalsooni badan ku qabo dadka reer Laascaanood in ay iska celiyaan Somaliland, waxa uuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay dagaalka ku biiraan haddii ay garaadyada gobolka ka dalbadaan.

“Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa, Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan mus-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in shacabka Laascaanood u adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa uuna ku baaqay in lagula xisaabtamo Somaliland tacadiyada ay geesanayaan.

Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli maamulka Somaliland marar badan horey ugu eedeeyeen maamulka Puntland in ay qeyb ka yihiin dagaalka looga soo horjeedo ee ka socda magaalada Laascaanood.

Ad
Previous articleTrump: “Waxaan ku soo afjari karaa dagaalka Ukraine hal maalin”
Next articleBooliska Gobalka Banaadir oo Qorshaynaaya inuu Weeraro Hotel Jaziira xili Mucaarad isku aruursanayaan Hotelkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here