Home galmudug Sawiro Kulan Gaalkacyo iskugu yimaadeen Odey dhaqameedka iyo Waxgaradka Beesha Sacad oo...

Sawiro Kulan Gaalkacyo iskugu yimaadeen Odey dhaqameedka iyo Waxgaradka Beesha Sacad oo looga Hadlay Shirar Beesha uga Socda Dibada.

0
SHARE

Bismillaahi Alxamdu Lilah waxaa maanta oo bisha Janayo tahay 25/2019 kulan iskugu yimid magaalada Galkacyo

Odayaal Dhaqameedka iyo wax garad ka tirsan Beesha Sacad waxeyna warbixin ka dhageysteen ku saabsan shirarka dibadda uga socda Jaaliyadda Beesha oo logu hormarinaayo qaab dhaqameedka iyo garwadeenimadooda
* Prof Abdulkadir Mohamed Shirwa iyadoo ay kaabayaan
* Xasan Maxamud Heyl
* Ali Macalin Sicid
Oo labaduba wakiil ka ahaa Jaaliyadda Mareykanka.
Markii la wada hadlay waxaa gabagabadii la go’aamiyay
1 in la taageero shirarkaa dibadda uga socda jaaliyadaha beesha oo ku wajahan dib uhabaynta,tayanta iyo midaynta dhaqanka beesha
2 In si wadajir ah looga wada qayb qaato hirgalinta himiladaas muhiimka u ah aayaha beesha
Si kastaba tawfiiqda alle awgeed Waxaa shirku ku dhamaaday guul iyo is afgarad buuxa
Sidaa awgeed anigoo ku hadlaya magaca gudoonka iyo xibnana Daladda Samodoon
U Mahad galinayaa
Mundane prof C Qaadir M Shirwac Gob
Mundane Xasan M Hayl USA
Mundane Gali Macallin Siciid USA
Oo gogosha shirka suura galiyay
Allaha wax san ku amaal mariyo

Waxaan hambalyaynayaa odayaasha dhaqanka iyo Waxa garadka gaaray go aan ka wax ku oolka u ah aayaha beesha

Allaa Mahad leh
By Qaasim Colaad
Xiriiriyaha daladda Samodoon

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here