Home Wararka Maanta Mid ka Mid ah enjineerada Hormuud oo Gaarigoosa Qarax loogu Xiray iyo...

Mid ka Mid ah enjineerada Hormuud oo Gaarigoosa Qarax loogu Xiray iyo Qarixii 13naad oo Hormuud lala eegtay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay gaari uu lahaa Injineer ka tirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Ninka Injineerka ee ka tirsan shirkadda Hormuud ayaa ka badbaaday qaraxan oo ahaa nooca gawaarida lagu xiro, maadaama uu gaariga qarxay kahor inta uusan soo fuulin gaariga.

Qaraxa ayaa ka dhacay dibadda guriga injineerka Hormuud oo ku yaalla xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Khasaaraha ayaa sida hadda la xaqiijiyay ku kooban burburka gaariga, welina lama soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa.

Qaraxan ayaa noqonaya kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii November.

Markaas ayaa qaraxyadii ugu horeeyay lagu weeraray laba xarumood oo ku kala yaalla Xero Jarmal iyo deegaanka tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Shalay ayaa sidan oo kale booyad looga qarxiyay shirkada isgaarsiinta Hormuud, waxaana la qarxiyey xilli ay mareysay xaafada Waxaracade, degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Gaariga Booyad ah oo nooca shidaalka qaada ah, ayaa gabi ahaanteedba gubatay, hase ahaaten ma geysan wax khasaare nafeed ah, balse waxaa gabi ahaanba gubtey oo bas-beeshay booyadii oo waday shidaal, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Hormuud.

Qaraxyada lagu beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ayaa bilahaan ku badan magaalada Muqdisho.

Xarumo badan ayaa la bur-buriyey mana jiro war ka soo baxay maamulka shirkadda oo ku saabsan beegsigaan.

Ila hadda lama oga sababta loo beegsado iyo cidda beegsaneysa shirkadda Hormuud, laamaha amnigu kama hadlaan. Shabaab sidoo kale kama hadlaan, maamulka shirkaduna waa ka aamusan yihiin weerarrada ku socda xarumaha, gaadiidka iyo shaqaalahooda.

Si kastaba, illaa hadda waxa la xaqiijiyay inta weerarada ka dhanka ah shirkada Hormuud ay billowdeen in lagu dilay laba ka tirsan shaqaalaheeda, halka laba kalena uu ka soo gaaray dhaawac halis ah.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyeyee ka soo baxaysa weerar Mareykanku ku qaaday saldhigyo kooxda Kataa’ib ay leedahay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Burcad badeedda Soomaaliya oo weerar cusub Qaaday Soona Afduubtay…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here