Home Wararka Maanta Shiikh Shariif oo Dowlada Xasan Shiikh Ka Dalbaday Baaritaan Deg deg ah...

Shiikh Shariif oo Dowlada Xasan Shiikh Ka Dalbaday Baaritaan Deg deg ah Wixii Ka Dhacay Shalay Cowswayne oo Wali Xasan Shiikh ka aamusanyahay

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war xasaasi ah kasoo saaray weerarkii xooganaa ee ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswaye ee gobolka Galgaduud.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa la rumeysan yahay in lagu laayay askar badan, sidoo kalena lagu qabsaday hub iyo gaadiid dagaal intaba.

Sheekh Shariif oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa marka hore tacsi u diray ehellada saraakiishii iyo askartii lagu dilay weerarkaasi

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii argagaxisada Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif.

Intaas kadib madaxweynihii hore ee dalka ayaa dalbaday in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabka loo maareeyay weerarkaasi, maadaama uu dhaliyay khasaare xoogleh.

Shariif ayaa si gaar ah uga dalbaday guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya inuu daba-galo falkaas oo uu tilmaamay in lagu dilay askar badan.

“Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas” ayuu raaciyay.

Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan qabashada Ceelbuur.

“Dhinaca kale waxaan bogaadinaynaa ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga gobolka Galgaduud” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa madaxweynihii hore ee dalka.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaliya oo ka hadlay Dagaalkii Soomaliland looga Saaray Goojacade
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Shirka Maalintii labaad kasocda Dhuusamareeb iyo Deni oo Wali ka maqan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here