Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Codsi U Dirtay Hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF

Dowlada Soomaaliya oo Codsi U Dirtay Hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF kaga codsatay inay dib u dhigto barnaamijka ay dib u eegista ugu sameyneyso dhaqaalaha dalka.

Barnaamijka dib u eegista dhaqaalaha dalka ayey horey u shaacisay hay’adda IMF in ay ku egtay bartamaha  bishan may, hasa ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in loogu daro muddo saddex bilood ah.

Qoraal ay si wada jir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed ayey kaga dalbadeen IMF in barnaamijkan dib u dhigto muddo saddex bil ah sababo la xariira dib u dhaca doorashada oo shaqadooda saameyn xooggan ku yeelatay .

Taageerada dhaqaale ay siiso IMF Soomaaliya ayaa halis galaya haddii aan dalka yeelan Madaxweyne ilaa 17-ka bishan, waxa ayna IMF ku hanjabtay hadii Soomaaliya hoggaan rasmi ah yeelan muddadaasi in hakad galeyso barnamaijka deyn cafinta.

IMF taageerada dhaqaale ee siineysay dowladda Soomaaliya saddexdii sano ee la soo dhaaafay oo gaareysa $400-milyan (380-million-euro) ayaa ku eg bartamaha bishan May, waxaana halis ku imaan karaa barnamaijka deyn cafinta oo dhib badan laga soo maray.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay in ay dhacdo 15-ka bishan May si looga fogaado in saameyn ku yeelato barnaamijka deyn cafinta haddii aan dalka Madaxweyne yeelan kahor 17-da bishan.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Burburiyay Markab uu lahaa Ruushka
Next articleShuute Cabdullaahi oo Goordhowayd oo lagu Dilay bartamaha Magaalada Beledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here