Home Wararka Somaliya Midowga Yurub iyo Dowlada UK oo war kasoo saaray Dagaalka Muqdisho ka...

Midowga Yurub iyo Dowlada UK oo war kasoo saaray Dagaalka Muqdisho ka socda

0

Safiirrada UK iyo Midowga Yurub u jooga Soomaaliya ayaa qoraallo ka soo saaray dagaallada ka qarxay caasimadda Muqdisho, oo maanta ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Ugu horeyn qoraal ka soo baxay xafiiska Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa walaac looga muujiyey dagaallada ka socda Muqdisho.

“Wararka sheegaya rabshadaha ee Muqdisho, aad ayey walaac u leeyihiin. Waxaan ku baaqeynaa deganaan iyo is-xakameyn. Wada-hadallo nabadeed ayay ku jirtaa danta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Safiirka UK Kate Foster.

Dhanka kale qoraal uu soo saaray Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa lagu yiri “Aad ayaan uga walaacsanahay dhacdooyinka ka socda Muqdisho. Danta guud waxay ku jirtaa is-xakameynta ugu sarreysa, ilaalina ha’ayadaha la wada leeyahay iyo wada-hadallo. Rabshadaha ma ahan wax la aqbali karo. Kuwa ka mas’uulka ah waa lala xisaabtami doonaa,”

Degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho ayuu maanta ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga hey’adaha dowladda federaalka iyo ciidamo daacad u ah madaxweyne Farmaajo, kaas oo la isla soo gaaray salaadii maqrib ee caawa.

Sidoo kale fiidkii hore ee caawa ayuu weerar kale ka bilaawday hoyga uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka degan yahay magaalada Muqdisho, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan.

Weerarkaas waxaa fuliyey ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxuuna siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey inay hoggaaminayaan laba sarkaal oo kala ah, Farxaan Qaroole iyo Kaniif.

“Kaniif iyo Farxaan Qaroole waa labada sarkaal ee weerarka ku ah caawa oo dhan hoygayga aan deganahay. Farmaajo ayey la qaadayaan masuuliyada weerarka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dagaallada ka soo cusboonaaday Muqdisho ayaa caawa ku faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana laga maqlayaa rasaas la is-weydaarsanayo.

Ad
Previous articleWar Hada Ah: Ciidan taabacsan Mucaaradka oo la wareegay Xarunta Degmada Howl Wadaag iyo Goobo kale
Next articleMaxaa iska badalay Go’anka Madaxweyne Farmaajo ee Xaalada Dalka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here