Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu qabtay nin ajnabi ah oo la sheegay in laga shakiyey
Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa wararka ay sheegayaan inuu u dhashay dalka Mareykanka, una socda magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines.
Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay ii sheegen boorso uu watay ninkan ayaa laga helay gasacado ay ku jiraan sunta dadka ka ilmaysiisa lamana yaqaan waxa uu ka damacsanaa.
Ninkan ayaa waxaa hadda loo gudbiyey xarunta dambi-baarista booliiska ee CID-da, halkaasi oo kiiskan baaritaan dheeri ah lagu samaynayo.