Home Wararka Maanta Boliiska Soomaaliya oo sheegay in ciyaal weerada Muqdisho ay isku badaleen gaangiistaro

Boliiska Soomaaliya oo sheegay in ciyaal weerada Muqdisho ay isku badaleen gaangiistaro

0

Taliyaha qeybta Booliiska bari ee gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge oo Maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinka haatan ka jira qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho ee lagu tilmaamayo Ciyaal weero ay arintu ka gudubtay ayna isku badaleen Gaangistaro.

Gaashaanle Cali Calasow Goofgooje oo warbaahinta kula hadlay degmada Kaaraan ayaa sheegay iney la yaab ku noqotay markii uu arkay wiil iyo Aabihiis oo ka wada tirsan Kooxaha Ciyaal weerada.

“Dhacdooyinka layaabka leh ee aan diiwaangeliyay mudada aan howgalada ku jirno waxaa kamid ah in aan aragnay Wiil Iyo Aabihiis kawada tirsan Kooxaha Ciyaal weeradda ah” ayuu yiri Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in caqabadaha ugu daran ay ka mid yihiin in waalidinta marka hore ay kasoo cabanayaan kooxaha dhibaateeya ee Ciyaal weerada ah, markii gacanta lagu so dhigana ay ka daba yimaadaan, waxuuna ka dalbaday waalidiinta in caruurta marka hore ay guryahooda ku xakameystaan ama aysan ka daba imaan marka gacanta lagu soo dhigo.

“Waxaa dhibaatada ugu weyn ee ina heysata ka mid ah markii Ciyaal weerada aan soo qabano waxa ka daba yimaada walidiinta dhalay, marka hore oo ay guryahooda joogaana waxay ka cabanayaan Kooxaha Ciyaal weerada oo haatan isku badalay kuwa Gaangistaro ah oo dadka dhaca” ayuu yiri taliyaha qeybta Bari ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Goofjooge.

Hadalka taliyaha Booliiska qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ay mudooyinkii dambe kusoo kordhayeen dhibaatada Kooxaha Ciyaal weerada ay u geysanayaan dadka shacabka ah, haba ugu sii darnaatee dadka ku dhaqan degmooyinka Kaaraan, Dharkenleey iyo Madiina.

Ad
Previous articleQarax Culus oo Lagu Dilay Gudoomiyihii Marka Cabdullaahi Cali Waafow
Next articleSidee ayuu u Dhacay Qaraxii lagu dilay gudoomiye Waafow?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here