Home Wararka Somaliya Puntland Deni Oo Nairobi Kula Kulmay Wafdi Ka Sicday Safaarada Mareykanka Ee Soomaaliya.

Deni Oo Nairobi Kula Kulmay Wafdi Ka Sicday Safaarada Mareykanka Ee Soomaaliya.

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qaabilay wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya.

Wafdifan oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda ayaa wafahadalo la yeeeshay madaxweyne Deni.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaa la boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida Dhismaha Dekadda Garacad iyo qorshaha Horumarinta dhaqaalaha Puntland.

Waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada maamulka Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo kahadashay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland
Next articleCali Jayte Oo Shaaciyay Deegaanka Xiga Oo Ay Shabaab Ka Saarayaan Kadib Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here