Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo Farabadan oo Maantay Markale Gaaray Deegaanka Bariujeed oo Shalay Dagaal Qaraar...

Ciidamo Farabadan oo Maantay Markale Gaaray Deegaanka Bariujeed oo Shalay Dagaal Qaraar ka Dhacay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah gaysay deegaanka Burujeed ee hoostaga magaalada Guriceel, kadib markii ay shalay soo weerareen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dagaal la galay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Ciidamadan oo ka baxay aagga Dhuusamareeb ayaa gaaray furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan agagaarka magaalada Guriceel, si ay ugu biiraan howlgallada ka socda halkaasi.

Ujeedka ciidamadan cusub ee tagay Burujeed ayaa ah inay xoojiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaas oo shalay dagaal adag la galay Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, kadibna ay ka warbixiyaan qorshahooda ku aadan dagaalka adag ee haatan ka socda gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug.

Labadan gobol oo hoostaga Galmudug ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Barujeed oo ay shalay weerar kusoo qaadeen Al-Shabaab, balse la kulmay iska caabin ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo isku xira koonfurta Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaase lagu soo warramayaa inay ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo xoogleh ka wadaan halkaasi, si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.
Ad
Previous articleDegmadii uu abaabulka Kawaday Daahir Amin Jeesoow oo Alshabaab weerar Culus ku Qaadeen
Next articleRaysulwasaare Xamse oo ka Hadlay Sababta Madaxweyne Xasan shiikh Timaha iyo karku ugu baxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here