Home Wararka Maanta Amaanka Xarunta Gobalka Banaadir oo aad loo adkeeyey Xilli Alshabaab Muqdisho weerar...

Amaanka Xarunta Gobalka Banaadir oo aad loo adkeeyey Xilli Alshabaab Muqdisho weerar ka bilaabeen

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Waxaa sidoo kale kulankaas ku wehliyey Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Waxaa ciidankaas lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay uga hortageen weerarkii 22-January ee sanadkan lagu soo qaadday xarunta Gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleMaxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo u fariisatay Dhageysiga dacwad loo haysto 36 Eedeysane oo Ajaanib ah oo Hobyo laga soo Qabtay
Next articleDoon sidday qaad Soomaaliya loo waday oo ku quustay Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here