Home wararka Dalka Dowlada Qadar oo Gaadiid dagaal ku Wareejisay Dowlada Soomaaliya (Sawiro)

Dowlada Qadar oo Gaadiid dagaal ku Wareejisay Dowlada Soomaaliya (Sawiro)

0
SHARE

Doowladda Federalka Soomaaliya ayaa saanad ciidan ka heshay dhiggeeda Qadar, waxaana lagu wareejiyay munaasabad ay joogeen masuuliyiin uu ku jiro Wasiirka Gaashaan Dhigga.

Deeqda Ciidan ee Qadar ka timid ayaa ah Gawaarida Gaashaaman oo tiro ahaan dhan 68 gaari ah, wasiirka gaashaandhigga oo hadlayna wuxuu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay u diyaarsanyihiin dagaal ka dhan ah al-shabaab  gawaaridaanna ay muhiim u yihiin.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddo dheer ku shaqeynaya saanad Xumo, maadaama Soomaaliya la saaray cuna qabareyn xagga hubka ah kaalmooyinka dunidana waxa ay u badan yihiin tababbarro iyo hubka nuuciisa fudud .

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here